Madaxweynaha Puntland oo Garowe ka Furay Shirka Wadatashiga Somalia

Somalia, November 16, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta Nov 16 2015 ka qayb galay shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee Geeddi Socodka Doorashooyinka Soomaaliya 2016 kaas oo ka furmay magaalada Garowe ee Caasimadda Dawladda Puntland .
 
Kulankan oo lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta Golaha Wakiilada Dawladda Puntland ee caasimadda Garowe ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, Issimo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.
 
Kulankan ayaa maanta ka furmay degmooyinka Galkacayo, Qardho, Boosaaso, Badhan iyo degmada Tukka-raq ee Dawladda Puntland waxaana ka qayb galay ergooyin dhan 600 oo ergay , kuwaas ka kala socda qaybaha kala duwan ee Bulshada rayidka ah ee deegaanada Puntland, 
 
Shirkan wada wada tashiga ee ka furmay maanta Gobolada Dawladda Puntland ayaa socon doona mudo laba maalmood ah waxaana looga tashan doonaa qaabka ugu sahlan ee doorasho uga ka dhici karto Soomaaliya 2016.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay marayso marxalad kala guur ah loona baahan yahay in taxadar laga muujiyo meeshii Bulshada Soomaaliyeed ay uga guuri lahayd qaab dhismeedka nidaamka Dawladnimo ee 4.5 .
 
Dawladda Puntland ayaa waqti kasta u heelan dib u dhiska guud ahaan dalkeena Soomaaliya iyadoo kaalin mug weyn ka gaysatay Dawladihii kala duwanaa ee Soomaaliya waxayna wali ku howlan tahay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay helaan Dawlnimo taam oo ku dhisan caddaalad iyo sinnaan isla markaana laga gudbo nidaamka salka ku haya wax qaybsiga qabiilka ee 4.5  .

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com