Madaxweynaha Puntland oo gaaray Magaaladda Baydhabo

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni yo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halkaas oo siwyen loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Maamulkaas.

Warar kala duwan ayaa waxaa uu kasoo baxayaa safarka Madaxweynaha Puntland uu ku tegay Magaalada Baydhabo, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Maamulkaas.

Deni ayaa bilaabay in uu xariiro la sameeyo dawlad gobaleedyada oo ay ka imaanayaan Xildhibaanada ugu badan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Xarumaha Maamul goboleedyada kale uu tegi doono.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com