Madaxweynaha Puntland oo Dib Ugu Soo Laabtay Caasimada Puntland ee Garoowe (sawiro)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa Maanta 17 May 2018 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka kasoo kicitimay magaalada Baydho ayaa waxaa kusoo dhoweeyey  garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe  ee Janaraal Maxamed Abshir  maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe,  masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay markii oo soo gaadhay Caasimada Dawladda Puntland ayaa ka warbixiyey shirkii Golaha iskaashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,  shirkaas oo uu Madaxweynuhu sheegay  in uu ku soo dhammaaday guul,  waxaa kaluu madaxweynuhu sheegay in uu kasoo baxay shirkaasi is afgarad, islamarkaasina madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ay go’aamo kasoo saareen.

“Aad iyo aad baan idinkaga mahadanaqaya dhamaantiin soo dhoweynta aad nagu soo dhoweyseen Garoonka Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe, faraxad bay ii tahay inaan dalkii oo nabada, wanaagsan, roobsadey aan ku soo laabto, waxaan ka nimid shirkii golaha isku taga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhacay Baydhabo 13 ilaa 16 Bisha, shirkaas oo lagaga hadalayey Arimo muhiim u ah Dalka, Geedi socodka, dimuqraadiyeenta Soomaaliya, dib u hanashada qaranimadii iyo Dowladnimadii Soomaaliya, waxaana kasoo baxay warmurtiyeedkii aad shalay wada dhageysateen oo arrimo badan oo siyaasadu kamid tahay taa-taabanayey, arrimaha amniga, arrimaha bani’aadantinimada, intaasoo dhan ayaa looga hadlay intiina waxa uu ku soo dhammaaday guul, waxaan rajeenaya in ilaahay nabad nagu gaarsiiyo kiisa kale waxaan rabaa inaa ugu hambalyeeyo Ummadda Soomaaliyeed meel walba ay joogto curashada Bisha barakeysan ee Ramadaan, Allaah waxaan karajeynaynaa in bishaa barakeysan uu noogu danbi dhaafo an iscafino dhammaanteen ” ayuu yiri  Madaxweynaha Dowaladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowaladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu hambalyo u direy ciidanka xooga Dowladda Puntland meelkasta oo ay joogaan, kuwaas oo u taagan difaaca dalka, sidoo kalana waxaa uu madaxweynu sheegey in ay Dowladda Puntland ay dhulkeeda difacayso islamar’ahaantaana waxaa uu madaxweynuhu Shacabka Puntland ugu baaqay in ay kaqayb qaataan difaaca dalka.

 

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com