Madaxweynaha Puntland Oo Daah-furay Mashruuca Waxbarashadu yeyna ku seegin.

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay Mashruuca Waxbarasho oo ballaaran, kaasoo halku dhigiisu yahay Waxbarashadu yeyna ku Seegin, ama “Education cannot Wait”. oo ay wado Hay’ada Save The Children

Mashruucaan in muddo ah howshiisa laga soo shaqaynayay waxaa ka faa’idaysan doona 400,000 arday oo ku nool gobolada kala duwan ee Puntland, waxaana sidoo kale uu taageeri doonaa dhinacyada tababarada Shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada, Macallimiinta iyo sidoo kale ardayda kuwa baahiyaha gaarka ah ay haystaan.

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Mashruucaan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu u leeyahay ardayda Puntland.

“Mashruucaan waxaan rajeynaynaa inuu saldhig u noqon doono inaysan marnaba jirin sabab ay ardaydu uga baaqdaan Waxbarashada oo mar walba iyo duruuf walba oo jirta ay la jaan qaadaan Tacliinta”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa madaxda Wasaarada Waxbarashada ku booriyay inay si hoose u eegaan Waxbarashada dadka reer guuraaga ah oo kamida ah meelaha la qorsheeyay inay mashruucaan ka faa’idaystaan.

Masuuliyiin ka socda Hay’ada Save The children oo mashruucan wada ayaa sheegay in qorshuhu yahay in qof gaarey xiliga waxbarashada uusan tacliin la’aan u noqon duruufaha abaaraha iyo colaadaha darteed.

Ugu danbayn Madaxweynaha dowladda Puntland madane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahahceliyay wasaarada Waxbarashada Puntland iyo hay’adaha gacanta ka gaystay isagoona kula kula dar-daarmay in mashaariicdaan iyo kuwa lamidka ah la dhowro siday tahayna ay u fulaan, la hareer marin, la lexjeclaysan la musuq maasuqin meeshay ku baboon tahay la marsiiyo.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com