Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso lagu soo dhaweeyay

Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso lagu soo dhaweeyay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa saaka subaxnimadii hore soo gaaray magaalada Boosaaso.

Safarka madaxweynaha oo  ahaa mid dhulka ah ayaa waxaa degmada Carmo kaga hor tagay maamulka gobolka iyo kan degmada.

Amaanka magaalada Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay, waxaan wadooyinka uu madaxweynuhu ka soo galayay lagu arkagay gaadiidka ciidamada oo ku go’naa.

Madaxweynaha ayaa loo galbiyay dhanka madaxtooyada, halkaas oo uu kula kulmi doono maalmaha soo soocda bulshada qaybaheeda kala duwan, maamulka gobolka iyo laamaha amniga.

Safarka madaxweyne Deni ee Boosaaso ayaa ku soo beegmaya xili todobaadkan gudihiisa magaalada   falal lidi ku ah amniga magaalada, waxaana  siyaabo kala duwan loogu dilay askar ka tirsan ciidamada Booliska Puntland.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.com.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com