Madaxweynaha Puntland oo booqday degaanka Goobweyn (sawiro)

Madaxweynaha Puntland oo booqday degaanka Goobweyn (sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah DFS Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe 06 Sep 2018 kormeer ku tegey degaanka Goobweyn oo hoos yimaada magaalada Kismaayo.

Guddomiyaha Madasha Iskaashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kormeerka ku wehelinayey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Shiikh Xasan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf , Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Awaare, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in degaanka Goobweyn uu yahay deegaan muhiimadiisa leh oo dalkeena ku yaalla, waxaa kale oo uu Madaxweynuhu tus meeyey in Goobweyn ay mudan tahay in si dhaba looga faa’iidaysto maadaama ay tahay meel khayraad badan koobsatay.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada gobolka Jubbada Hoose inay dedaal dheer geliyaan sidii ay wax soosaar anfaca ummadda uga soo saari lahaayeen goobaha muhiim ka ah ee ku yaalla Soomaaliya.

Dhinaca kale Goobweyn ayaa ah meesha ay iskaga darsamaan webiga Jubba iyo badda Hindiya, waana goob Illaahay ku manaystay Webi, Bad, Beero wax-soosaar, dalxiis iyo khayraad kale oo muhiim ah.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland, Ahna Guddoomiyaha madasha iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah DFS Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in dalku u baahan yahay maalgashi gudaha ah iyo mid dibadda ahba, si khayraadka dalku leeyahay looga faa’iidaysto.

– DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
  
  

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com