Madaxweynaha Puntland oo Booqasho tacsiyayn ah ugu tagay Cabdirixmaan Faroole

Jimco, Luuliyo 31, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31-7-2015 hoygiisa Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ku booqday madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole si uu ugu soo tacsiyadeeyo.

Madaxweyne Gaas iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa si kal iyo laab ah isu dhaafsaday salaan , waxaana wajiyadooda laga dheehanayey farxad ku salaysan isu soo laabashadooda.

Qoyska iyo eheladii ay ka baxday Marxuumad Aamino Abiib ayuu markale madaxweynuhu alle uga baryey in samir iyo iimaan buuxa uu ka siiyo qabrigana u waasiciyo, kitaabkeedana gacanta mid uga dhiibo.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada uu ugu yimi .

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com