Madaxweynaha Puntland Muxuu kaga Hadlayay Khudbad-dii uu u Jeediyay Bulshada Minnepolis

Bacaadweyn, Maarso 12, 2016 (Daljir) —Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo safar shaqo ku jooga waddanka Maraykanka ayaa munaasibad aad u ballaaran oo ay soo qaban qaabisay Jaaliyadda Puntland ee magaladaasi ayaa ka jeediyay khudbad dhinacyo badna taabanaysa.
 
Kullankan oo ay kasoo qayb galeen boqolaal dadwayne,xubno ka socda dowladda Maraykanka iyo masuuliyiin kale oo dowladda dhexe ka tirsan ayaa waxaa sidoo kale heeso ka qaaday kooxda fanaaniinta waqooyiga Ameerika,waxaa ka hadlay odayaal iyo dad wax ku ool ah oo soo jeediyay in qof kasta uu ka qayb qaato horumarka dalka iyo midnimadda ummada Soomaaliyeed.
 
Dr.Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay marka hore inuu ku faraxsan yahay soo dhawaynta loogu sameeyay magalada Minnepolis waxa kale uu sheegay inay farxad galinayso habka ay jaaliyaddu isagu duuban tahay, arrimaha uu kaga hadlay khudbadiisa waxaa ka mid ah nidaamka iyo marxalada lagu wajahayo doorashada Soomaaliya 2016 iyo hanaanka la qaatay oo ay Puntland ka hor timi.
 
Madaxwaynuhu waxa uu sheegay inaysan si kasta oo la yeelo Puntland qaadan karin nidaamka 4.5 kaasoo lagu saleeyay soo xulista Baarlamaanka cusub, wuxuna sidoo kale sheegay Puntland inay mar walba u taagan tahay ka shaqaynta maslaxada dalka iyo in lagu wada dhaqmo nidaam-yaddii lagu wada heshiiyay.
 
Ugu danbayntii madaxwayne Gaas ayaa dadka Soomaaliyeed ee Maraykanka nolasha wanaagsan ka samaysay ugu baaqay inay aqoonta iyo waayo aragnimada ay helaan dib ugu celiyaan dalkooda ugana faa’iideeyaan si dalka horumarkiisa usoo tilaab sado.
 
Madaxwaynaha ayaa lagu wadaa inta uu joogo waddanka Maraykanka inuu sidoo kale kulamo la qaato madax ka tirsan waddankaasi waxa uu sidoo kale kala hadli doonaan sidi loo taageeri lahaa Puntland.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com