Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland oo uu weheliyo Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxayidiin Axmed Aw-muuse iyo Saraakiisha kale ee Ciidamada booliska Puntland ayaa kormeeray Xarunta Taliska Ciidamada Booliska. Wuxuu Salaan sharaf ka qaatay Madaxweynuhu cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland, kadibna wuxuu kormeeray Qeybta Booliska ee degmada Garoowe oo dib u dayactir lagu sameeyey.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha howsha baaxada leh ee ay u hayaan Bulshada, Madaxweyne Deni ayaa kala hadlay Saraakiisha dardar-gelinta shaqada ciidanka booliska, Barnaamijka tayeynta Ciidanka oo hada qeybo ka mid ah Tababaro u socdaan iyo diyaargarowga munaasabada 1-August.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com