Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas Shirkii Madasha Muxu kayiri (dhegayso)

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas Shirkii Madasha Muxu kayiri (dhegayso)

Madaxweyna dawladda Puntland ahna Guddomiya madasha wada tashiga dawladdaha xubnaha ka ah DFS Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku hadlaya afka dawladda Puntland iyo kan dawladdaha xubnaha ka ah DFS waxa uu maanta 05 Nov 2017 kahadlay xidhitaanka shirka wada tashiga DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS kaas oo ay kasoo baxeen qodobo is af-gara heshiis.

Madaxweynaha Puntland ahna Guddomiya madasha wada tashiga dawladdaha xubnaha ka ah DFS ayaa sheegay in qodobada maanta kasoo baxay shirkaasi ay yihiin qodobo ay u garteen inay ku jirto dahanaha shacabka Soomaaliyeed iyo tan qaranka Soomaaliyeedba, isla markaana ay ugu muhiim sanaayeen qodobadaasi kuwa Siyaasadda,Amniga, Dastuurka, Fadaraaliisamka iyo midaynta midnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa xaqiijiyey in qodobadaasi yihiin kuwo si dhab ah looga heshiiyey, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu tilmamaay in taasi ina siinayso fursad ay Soomaaliya hore ugu socoto, shacabkana loogu adeego, si wada hir ah, niyad sami ah, Soomaalinimo ah, wanaag uu ku jiro.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirkaasi qaran uu ahaa mid cadaynaya inay Soomaaliya hore u soconkarto, dalka iyo dadkana loo adeegayo, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo wax u dhimaya mid nimadeena iyo wada jirkeena, waxaa uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in Madaxda qaranka Soomaaliyeed ku heshiiyeen wada shaqayn iyo is kaashi.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas oo ku hadlaya afka dawladda Puntland iyo kan dawladdaha xubnaha ka ah DFS ayaa sheegay haddi la sameeyo oo lacaadaystoo wixi hore loo samaynjirey in maxsuulkeedii la helayo haddiise dhexda loo xidho xoraynta dalka waxaa soo baxaya natiijo wanaagsan iyadoon AMISOM iyo cid kale toona laga sugayn inay xoreeyaan dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey Madaxda qaranka Soomaaliyeed in aan la dayicin wakhti Soomaaliya u baahan tahay inay kaga gudubto xaaladda ay maanta ku jiro,isla mar’ahaantaana laga fekero jiilka bedelidoona Madaxda qaranka wakhtigooda la dayacayo ee ay u baahan yihiin inay iyana dhankooda dalka hogaamiyaan, talo iyo go’aamoba ku yeeshaan masiirka Soomaaliya lagu gaadhsiinayo meel uu mudan yahay.

Hoos kadhegayso Codka Madaxweyne Gaas

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com