Madaxweynaha oo lakulmay madaxda maxkamadda ciidanka qalabka sida.

Muqdisho, Nov 13 2016-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay madaxda Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa kala hadlay madaxda Maxkamada ciidamada Qalabka sida dardargelinta howlaha Maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed Gen Liibaan Cali Yaroow ayaa Madaxweynaha Soomaaliya , waxa ay uga mahadceliyeen kulanka uu la qaatay , waxaana ay Shahaado Sharaf Guddoonsiiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud.

“Saraakiil dhallinyaro ah oo si daacadnimo ay ku jirto ugu qidmeeyay shacabkooda ayaa tihiin waana tan aad ku muteysateen ammaanta iyo bogaadinta ka imaaneysay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaana idinku guubaabinayaa in aydaan cidna uga hibeysanina shaqada garsoorka ee aad qaranka wakiilka uga tihiin, taas ayaana alle idinkula xisaabtamayaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com