Madaxweynaha oo ka hadlay tartankii kubadda cagta ee lasoo afmeeray.

Muqdisho, July 28 2016–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in qabsoomidda cayaarihii dowlad goboleedyada ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ay muujinayaan horumarka laga gaarey dib u heshiisiinta, nabadda iyo is-dhexgalka bulshada.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad casho sharaf ah oo xalay xarunta gobolka Banaadir loogu sameeyay dhammaan cayaartoydii ka qeybgashey ciyaarihii dowlad goboleedyada ee Muqdisho ka dhacay.

“Ciyaarahan dhowaan la soo gabagabeeyay waxay ahaayeen kuwo ka tarjumaya qiimaha nabadda iyo is –dhexgalka bulshada. Cadowga argagixisada waxay isku dayeen maalintii ciyaarahan la soo gabagabeynayey inay shacabka cabsi ku abuuraan iyagoo geystey weerar waxashnimo, balse taasi inagama hor istaagin inaan hawsheena sii wadano. Dalkeena horey ayuu u sii socdaa, dibna u laaban mayno, waana inuu sidaa ogaadaa cadowga’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn kula dardaarmey cayaartoyda ka kala yimid dowlad goboleedyada kala duwan ee ka qeybgaley tartanka inay fariin nabadeed gaarsiiyaan goobaha ay ka kala yimaadeen, isagoo sidoo kalena u hambalyeeyay kooxihii guulaha ka soo hoyey tartankan.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeybgaley xubno ka tirsan labada gole, xubno ka socotey dowlad goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com