Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo ku Baaqay in Abaaraha  Wax laga qabto

HomeWararka

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo ku Baaqay in Abaaraha Wax laga qabto

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa sheegay in Abaarta ku dhufata Soomaaliya ay u baahan tahay kahor ay iska kaasha

Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)
Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Maamulka Degmadda Qardho oo ka hadlay Bilicda Magaladdas (dhegayso)

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa sheegay in Abaarta ku dhufata Soomaaliya ay u baahan tahay kahor ay iska kaashadaan Dowladda Federaalka, Beesha Caalamka iyo Dowlad Goboleedyada.

Shariif ayaa sheegay Qorshaha kahor tagga in tahay Xalka rasmiga ah ee sabab u noqon kara in ay bad-baadaan dad badan oo dhibaatada abaarta dareema.

Talo ahaan waxa uu soo jeediyey in Marka ugu horeyso laga shaqeeyo Helista Nabad Waarta, kadibne la sameeyo Keydad Daawooyinka, Raashinka iyo Biyaha lagu Keydiyo, si loo isticmaalo kolka abaartu la dareemo.

Qorshahaan ayuu dhaqan galkiisa ku tilmaamay in ay tahay mid ay mas’uuliyin u baahan tahay iyo in si wadajir ah la isaga gaashado, waxa uuna shariif Xasan Tibaaxay in Soomaalida ay Muddo la daalaa dhaceyso Abaarta is xig-xigtay ee sanadii lasoo dhaafay dalka ku dhufatay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: