Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti (Sawiro)

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti (Sawiro)

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo booqasho ku joogga dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxa ay ka wadahadleen dadaallada ciidamada Jabuuti ay ka waddaan gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Waare oo ay wehliyeen xubno ka tirsan maamulkiisa, Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Hiiraan ayaa waxay warbixin ka siiyeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle xaaladaha guud ee gobolka iyo howl galka AMISOM ee qeyb ka tahay Jabuuti.

Maxamed Cabdi Waare Waxaa uu sheegay in Jabuuti ay mar walba garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu talo ugu soo jeediyay in la dhameeyo khilaafaadka, dib u heshiisiinta laga shaqeeyo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com