Madaxweynaha Maamulka Hiirshabeele oo la kulmay Cali Mahdi

Madaxweynaha Maamulka Hiirshabeele oo la kulmay Cali Mahdi

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shalay galinki dambe la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Madaxweyne Guudlaawe oo maalmahan ku sugan Muqdisho ayaa galabta hoygiisa ugu tagay Madaxweyne Cali Mahdi.

Kulankan ayaa ahaa sallaan iyo is xog wareysi, waxaana looga hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan deegaanka Hirshabelle.

Madaxweyne Cali Mahdi ayaa tallooyin iyo dardaaran siiyay Madaxweyne Guudlaawe, isagoo kula taliyay inuu xoogga saaro dib u heshiisiinta iyo nabadeynta.

Intaasi kaddib Madaxweynaha Hirshabelle ayaa uga mahadceliyay Tallooyinka dhaxal galka, isagoo u sheegay in wixii talo iyo tusaalo aan looga maarmi doonin, maadaama oday Soomaaliyeed oo dalkaan soo xukumay yahay, isla markaana xog ogaal u ah arrimo badan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com