Site icon Radio Daljir

Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe oo ku wajahan Muqdisho

Muqdisho, Feb 2017-Madaxweynaha Ururka Ahlusunna ee gobolada Dhexe ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Sheekh Axmed Shaakir ayaa Madax ka ah Ururka Ahlusunna oo si weyn uga soo horjeeda maamulka Galmudug iyo sidoo kale dowladdii uu waqtigeedu dhamaaday, waxaana maamulka Ahlusuna sheegay in ay taageersan yihiin Madaxweyne Farmaajo , islamarkaana ay la shaqeyn doonaan.

Arbacada berri ah ee taariikhdu ku beegantahay 22-ka Bishan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhici doonta Munaasabad lagu caleemo saarayo  Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taasi oo ay ka soo qeyb gali doonaan Madax ka socota Afrika.

Daljir.com

Exit mobile version