Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo saraakil ciidan la kulmay

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo saraakil ciidan la kulmay

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Hay’adaha amniga qeybahooda kala duwan ee ka dhisan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Saraakiisha Hay’adaha amniga kala hadlay dardar gelinta amniga degaanada Koonfur Galbeed,xoojinta la dagaalanka Al-Shabaab,wuxuuna sheegay madaxweynaha iney isla meel dhigeen sidii loo adkeyn lahaa nabad galyada degaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ugu baaqay shacabweynaha degaanada Koonfur Galbeed iney si hufan ula shaqeeyaan Hay’adaha amniga si looga adkaado.

Ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay wajahayaan Eedeymo ku aadan in ay ka dambeeyeen dadkii lagu laayay Baydhabo intii ay ka socdeen Banaanbaxyaddii looga soo horjeeday xariga Roobow.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com