Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo farriin u diray madaxda dowladda federalka ah.

Baydhabo, Dec 12 2016-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo warbaahinta lahadlay ayaa ka codsaday madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya inay dalacsiiyaan saraakiisha ka qayb qaadatay adkaynta ammaanka doorashadii Baydhabo kadhacday.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sheegay in ay ciidamadaasi muujiyeen qabashada shaqo adag oo ay tahay in looga mahad celiyo, isagoo cadeeyey in ay lagama maarmaan u tahay in la dhiirigaliyo

Ugu dambayntiina madaxweynaha KG ayaa sheegay in xubnahan ay mudan yihiin in darajooyin ciidan loo kordhiyo,isagoo dhankiisa sheegay in uu diyaar u yahay sidii loo abaalmarin lahaa ciidamadan.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com