Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Ciidamo tababar ugu soo xiray Baladoogle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Tababar usoo xirey Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo mudo Tababar ku qaadanayey Xarunta Baladoogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamadaan oo loogu talo galay inay howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka fuliyaan Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay qaateen tababaro kala duwan oo uga socday Xerada Balli-doogle.

Madaxweyne Cabdi Casiis kaftagareen ayaa sheegay in Ciidamadaan ay sigaar ah uga howlgeli doonaan degmada Walanweyn iyo degaannada hoostaga, isla markaana xilligaan wixii ka dambeeya ay saaran tahay mas’uuliyad weyn.

Waxaa uu kula dardaarmay Ciidamada in looga baahan gudashada waajibaadkii loo tababaray ee ah difaacida dalka iyo Diinta iyo sidoo kale inay fuliyaan howlgallo amni oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Koonfur Gakbeed ayaa sheegay in sidoo kale Ciidamada looga baahan yahay i ay ka gudbaan qabiil ayna u jiheystaan ka hortagga cadawga iyo dadka burcadda ah ee Shacabka dhibaateeynaya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com