Madaxweynaha Koonfur galbeed oo cafis u fidiyeey Maxaabis

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo cafis u fidiyeey Maxaabis

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Maanta waxaa munaasabadda Maalmaha Ciida Aawgeed uu cafis u fidiyay Maxaabiis ku eedeysnaa dambiyo kala duwan.

Maxaabiista oo gaareeysa ilaa 10 rag ah ayaa waxaa Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cabdi casiis laftagareen lagu sheegay in tallabadaan la qaaday kadib talo soo jeedinta Hay’addaha Garsoorka kuna saabsan in cafis loo fidiyo Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee degmada Baydhabo.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Maxaabiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu cafiska u fidiyay.

Maxamed Yuusuf ibrahim Ina Nishey Xasan Meyow
2 Tbraahim Xuseen Maxamed Ina Faduma Cabdi Maxamed

Ismacil Cabdi Cali Ina Fadumo Adan Isman
Cabdulahi Warsame Cali Ina Amino Cabdulahi
Shariif Cabdi Maxamed Ina Fadumo Maxamed Ibrahim
Maxamed Cabdi ljaabooy Ina Mirow Cabdiraxamarn Adan
Cabdirashiid Cabdiqadir Cabdulahi Ina Nuuriyo Adan KeeroW
Faysal Nuradin Yusuf Ina Fadumo Maxamed Doyow
Maxamed Yusuf Maxamed Ina Kaltumo Sheekh Maxamed
Xasan Maxamed saq Ina Isha Cali Ibrahim.

Qaar kamid ah Madaxda kale ee dowlad Goboleedyada ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda dhankooda ay cafsi u fidiyaan qaar kamid ah Maxaabiista ku xiran Xabsiyada degaannada ay maamulaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com