Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo kula kulmay Saraakil kasocota Dowlada Ingiriiska (dhegayso)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo kula kulmay Saraakil kasocota  Dowlada Ingiriiska (dhegayso)

Wefdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Maalmo kadib waxa uu dib ugu laabtay Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wefdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magalada Baydhabo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ta tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya,kuwaas oo ku sii sugayay Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa ka yimid Magalada Dhuusmareeb ee Casimadda Galmudug oo uu uga qeyb galay shirkii ay ku midoobeen Madaxda Galmudug iyo Ahlusunna oo uu sidoo kale Goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya.

Intaasi kadib Shariif Xasan ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley saraakiil ka socotay Dowladda Ingiriiska,waxana ay ka wada hadleen Xaaladda Guud ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidii ay Maamulka taageero u siin lahaayeen.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuuradiin Yuusuf Abuukar Gacma oo Warbaahinta la hadlay ayaa u faah faahiyay waxyaabihii uu Shariif Xasan kala hadlay Saraakiisha ka socotay dowladda Britain.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com