Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Amray In La Soo Xiro Dadkii Ka Dambeeyey Dagaalkii Baydhabo

Madaxwenaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si adag uga hadlay dagaal dhiig badan ku daatay oo shalay magaalada Baydhabo ku dhax maray Ciidamo katirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa Cambaareeyay dagaalkaasi khasaaraha badan uu kasoo gaaray dad shacab ah gaar ahaan dad barakacayaal ah, waxa uuna tacsi u diray eheladii iyo qarabaadii ay ka geeriyoodeen dadkii maanta ku dhintay dagaalkaasi Baydhabo ka dhacay.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa amar ku bixiyay in lasoo xiro deg degna xabsiga loo dhigo cid walbo oo ku lug laheed dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo, waxa uuna faray saraakiisha Maamulka Koonfur Galbeed in jawaab deg deg ah ka bixiyaan falkaasi.

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in magaalada Baydhabo ka bilaabeen howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii maanta ku lugta lahaa dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhabo ee khasaaraha badan dhaliyay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com