Site icon Radio Daljir

Madaxweynaha Kenya oo Qaadacay Go’aankii Maxkamadda Sare Ku Diidey Guushiisa

Kadib go’aankii maxkamadda sare ee dalka Kenya ku qaadacday natiijadii doorashada, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay xarunta Madaxtooyada magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uu kaga hadlay go’aankii Maxkamadda Sare ee dalkaasi ay ku sheegtay in dib loogu laabanayo Doorashadii 8-dii bishan.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay Madaxweynaha Kenya in uusan ku qanacsaneyn go’aankii Maxkamada Sare ku laashay guushii uu ka gaaray Raila Odinga, taasi oo ku tilmaamay waxba kama jiraan, balse uu tixgelinayo  sharciga dalka.

Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu diyaar u yahay Doorasho ku celis ah oo dalka ka dhacda isagoo dhanka Mucaaradka ugu baaqay in ay diyaar garoobaan, oo markale aysan andacoon.

Exit mobile version