Madaxweynaha Kenya oo ka hor-yimid Eedaymo loo haysto Ciidanka ka jooga Somalia

Somalia, November 15, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu si toos ah uga hor-yimid Warbixintii Kooxda Suxufiyiinta Caddaalad-doonka ee  JFJ ee ay ku sheegeen inay Ciiddanka Kenya macaash xooggan ka helaan Kontorobaanka Sonkarta laga keeno Kismaayo ee loo gudbiyo gudaha Kenya.

Uhuru Kenyatta oo shalay hadal ka jeediyey  Gobalka Bugoma ee Galbeedka Kenya ayaa  sheegay inaysan waxba ka jirin Warbixinta lagu sheegay inay Ciiddanka Kenya iyo Xarakadda Alshabaab ayaa si wadajir uga shaqeysta Sonkorta Kontorobaanka ee loo soo gudbiyo gudaha Kenya.

Warbixinta Kooxda Suxufiyiinta ee JFJ  ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Kenya, Maamulka Jubbaland iyo XarakaddacAlshabaab ku lug leeyihiin ka-ganacsiga Dhuxusha iyo Sonkorta Kontorobaanka oo ay ka helaan lacag dhan 400-million oo Dollar.

Madaxweynaha Kenya waxa uu tilmaamay inay nasiib-xumo tahay inay qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha ku biiraan Cambaaraynta Hay’addaha Ammaanka Kenya, halkii laga filayey inay Ciiddanka  dhiiri-geliyeen.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com