Madaxweynaha Jubbaland oo si kulul uga hadlay Xariga Wasiir Janan

Madaxweynaha Jubbaland oo si kulul uga hadlay Xariga Wasiir Janan

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa maanta ka hadlay xarriga Wasiirkiisii Amniga C/rashiid Janan, Dib u doorashadiisa, Khilaafka dowladda kala dhexeeya iyo xayiraada la saaray diyaaradihii sida tooska u tagi jiray ama uga iman jiray magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe oo maanta jeediyay shir jaraa’id oo socday 28 daqiiqo kadib shirkii golaha Wasiirada ayuu si kulul u weeraray hanaanka ay dalka u maamulaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Sababta kaliya ee dowladda u diidan tahay iney aqoonsato doorashadii 22-kii bishii hore ka dhacday Kismaayo ayuu ku sheegay iney tahay in dowladda ka weysay musharax sidey rabto uga sameyn kara Jubaland, si lamid ah doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo dhamaadka sanadkii hore 2018.

Axmed Madoobe ayaa sheegay ineysan shaqsi ahaan wax saameyn ah ku yeelaneynin xanibaada dowladda ay saartay diyaaradaha sida tooska uga howlgali jiray deegaanada Jubaland, balse waxa uu tilmaamay in xanibaada la saaray oo kaliya Shacabka.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Maamulka Jubaland ayaa tilmaamay iney diyaarinayaan Kiis ka dhan ah madaxda dowladda Soomaaliya oo sida uu sheegay ay gacanta ku heyso xeer ilaalinta maamulkiisa, kaasoo ku xusan dad geeriyooday intii ay dhexda ku soo jireen wixii ka danbeeyay xanibaadii diyaaradaha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com