Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay inu Dhex Dhexaadin Doono DFS iyo Maamul Gobaleedyadda

Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay inu Dhex Dhexaadin Doono DFS iyo Maamul Gobaleedyadda

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa sheegay in maamulkiisa uu gogol dhexdhexaadin ah u dhigayo dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada is khilaafsan.

Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ah ay xaq u leedahay arrimaha dibadda islamarkaana waajib ku tahay in ay la tashato dowlad Goboleedyada,halka dowlad Goboleedyada ay qasab ku tahay in arrimaha dibadda u daayaan dowladda dhexe.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladaha Carabta gaar ahaan Imaaraadka ku eedeeyay in ay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha Soomaaliya,taas oo uu sheegay in Dadka iyo dowladda Soomaaliyeed aysan qaadi karin labo dagaal sida uu hadalka u dhigay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com