Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in doorashadda jubbaland wakhtigeeda dhici doonto

Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in doorashadda jubbaland  wakhtigeeda dhici doonto

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in sheegay in aanay isku xirneyn doorashada Jubbaland iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhowaan.

Waxaa uu beeniyay in dib loo dhigayo doorashada, isagoo xusay in waqtigeeda ku dhici doonto oo aan waqti lagu dari doonin.

“Doorashada Jubbaland waqtigeeda ayay ku dhaceysaa, waqti laguma darayo, Gacanna Al-Shabaab ayaa kaga xoreynayaa deegaanada, gacanna waan ku codeynaynaa”ayuu yiri Axmed Madoobe oo ka hadlayay Kismaayo oo uu dib ugu laabtay.

Axmed Madoobe ayaa tusaale u soo qaatay in xilligii gumeystaha lala dirirayay la isku dhex wadi jiray dagaalka iyo doorashada, taasna ay kaga dayanayaan sida uu hadalka u dhigay.

Jubbaland ayaa isku diyaarineysa doorashooyinka dhici doona bisha Agosto ee sanadkan, iyadoo loolanka ugu badan ee hada muuqdo uu yahay duulaanka ku wajahan deegaanada Al-Shabaabka maamulaan, gaar ahaan Caasimadda Bu’aale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com