Madaxweynaha Jubbaland oo shacabka Salaada Ciidka kula tukaday Madaxtooyada (Daawo)

Madaxweynaha Jubbaland oo shacabka Salaada Ciidka kula tukaday Madaxtooyada (Daawo)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo salaadii Ciida kula tukaday Madaxtooyada Shacabka iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay xaalada dalka, Doorashooyinka kusoo wajahan Jubbaland isgoona si weyn u dhaliilay Dowlada Dhaxe ee Dalka oo uu sheegay in ay ku tumanayaa Dastuurkii Dalka u yaalay.

Madaxweynahaha ayaa sidoo kale ka hadlay marxaladahii burburka lahaa ee dalku uu soo maray isagoo xusay in Soomaalida ay u nugul yihiin wax duminta iyo in hantida umada la burburiyo taas oo wadaniyada iyo dal jacaylka aan sal ku lahayn wuxuu intaas ku daray in burburkii dalka laga dhaxlay kala daadsanaan iyo sharciga oo aan la aaminin.

Dhinaca kale wuxuu sheegay Madaxweynahu in Siyaasada dalka aanay fadhiyin oo wax badan ay khaldanyihiin isagoo xusay in Madaxda Dowlada Federaalka ah aanay war badan ka haynin dhibkii looso maray Dowladnimada iyo isku haynta Qaranka sida ay qiyamka u tahay.

Arimaha Amniga ayuu xusay Madaxweynahu in aan marna gorgortan laga galaynin oo ay tahay in qof walbaa uu wixii sharcigu u ogolyahay uu maro.

Odayaasha dhaqanka Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay kasoo dhalaalan doorkooda hogaamineed iyo ka odayaynta danaha umada iyo wadajirkeeda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NUURKANEDERLAND 5 years ago

    CIID MUBARAK.
    JAWI FRESHA
    HAWO FRESHA
    CUNTO FRESHA
    QORAX FRESHA

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com