Madaxweynaha jubbaland oo magacaabay guddiga gurmadka fatahaada ku dhufatay degmada Baardheere

Madaxweynaha jubbaland oo magacaabay guddiga gurmadka fatahaada ku dhufatay degmada Baardheere

Kadib Fatahaada ka dhacay Degmada Baardheere taa oo galaafatay naf iyo maal, isla markana u baahan gurmad deg deg ah oo lala gaaro dadka musiibadan ay saamaysay ayaa Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu Halkan ku magacaabayaa Xubnaha Guddiga Gurmadka Fatahaada Degmada Baardheere oo ka kooban;

1. Axmed Xasan Cumar -Wasiirka Wasaaradda Gargaarka & Maaraynta Musiibooyinka.
2. Maxamed Axmed Cusmaan – Wasiir Dowlaha Madaxtooyada.
3. Cabdiraxmaan Cabdi Axmed – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga.
4. Axmed Maxamed Axmed – Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimandka.
5. Axmed H. Baraki – Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Biyaha.

Guddigaan uu Magacaabay Madaxweynaha jubbaland ayaa laga filayaa in ay ka shaqeyaan sidii gurmad deg deg ah loola gaari laha dadka ay sameeynta ku yesheen fatahaada wabiga Jubba uu ka geystay degmada Baardheere degaanno hoos yimaado

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com