Madaxweynaha Jubbaland oo Madaxtooyada ku qaabilay safiirka Somaaliya ee Qatar

Madaxweynaha Jubbaland oo Madaxtooyada ku qaabilay safiirka Somaaliya ee Qatar

Madaxwaynaha dawlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta aqalka madaxtooyada ku qaabilay safiirka dawlada Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad.

Wafdiga uu safiirku hogaaminayay oo magaalada Kismaayo u yimid furitaanka mashaariic ay dawlada Qatar ka fulisay Jubbaland waxaa kamid ah masuuliyiin ka socda hay’ada gargaarka Dldalka Qatar iyo xubno kale.

Waxaa madaxwaynahu uu safiirka uga mahad celiyay adeegyada hormarineed ee Qatar ay ka fulisay Jubbaland iyada oo la isku raacay in la dardar galiyo mashaariicda dhiman ee mustaqbalka dhaw oo ay ugu muhiimsanyihiin adeegyada xaafimaadka, waxbarashada, beeraha iyo garoomada diyaaradaha.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com