Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in Nabad lagu dhameeyo Colaada Tukaraq

Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in Nabad lagu dhameeyo Colaada Tukaraq

Axmed Maxamed Islam “Axmed Madoobe” oo ah Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay xiisadda colaadeed ee Somaliland iyo Puntland ku dhexmaraysa degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Madaxweynaha waxa uu sheegay inuu aad uga xunyahay dagaalada ka dhacaya Tukaraq, isagoo xusay inaysan hadda jirin sabab uu dagaal uga dhaco Tukaraq, kaliya dadka waxyeelada kasoo gaareysana ay tahay dadka shacabka ah ee degan halkaasi.

Waxa uu tilmaamay Axmed Madoobe in markastaba ay haboon tahay in xalka halka uu jiro laga doono inta uu dhici lahaa gacan ka hadal, waxa uuna ugu baaqay masuuliyiinta labada maamul iyo waxgaradka kasoo jeeda Tukaraq ay xiisaddan colaadeed ay xal ka gaaraan.

Hadalka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islam “Axmed Madoobe” ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer oo hore ay dagaalo ku dhexmareen ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,dagaalkaas oo ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com