Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo ku soo Laabtay

Sabti, Janaayo 02, 2016 (Daljir) — Madaxweyanah dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ,markii uu dhawaan safar shaqo ku tegey magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu guul kusoo dhammaaday kulamadii uu lasoo qaatay madaxda dalka Itoobiya,wuxuuna sheegay in muhiimadda ugu weyn ay tahay shirka madasha wadatashiga qaran ee dhowaan ka furmaya magaalada Kismaayo.

Axmed madoobe ayaa saxaafadda ugu war-bixiyay safarradiisii Nairobi iyo Addis Ababa,wuxuuna ku tilmaamay kuwo wax ku ool u ah ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Jubba-land,isagoo ku nuux-nuuxsaday inay isla soo qaadeen madaxdii ay is arkeen adkaynta nabad gelayada iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa dhammaystirka qorshaha hiigsiga oo la doonayo inuu dalka ka curto is beddel lagaga gudbo halka iminka la taagan yahay.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com