Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo ku Qaabilay Diblumaasyiinta Ingriiska ee Somalia

Isniin, Oktoobar 26, 2015 (Daljir) —Danjiraha wadanka Ingiriiska u Fadhiya Soomaaliya Ms Harriet Mathews iyo wafti heer sare ah oo ay hogaaminayso ayaa maanta gaarey magaalada Kismaayo oo ay kulan kula qaateen Madaxweynaha Jubbaland Mudane: Axmed Maxamed Islaam.

Mudadii uu socdey kulankaan dhexmaray madaxweynaha Jubbaland iyo waftigaan kasocdey Britain ayaa waxaa labada dhinac kawada hadleen arrimo dhowr ah oo quseeyey ammaanka iyo taageerada Ingiriiska ee Jubbaland.

Ugu dambayntiina madaxda kasocdey wadanka Ingiriiska ayaa balanqaaday inay Jubbaland ka taageeri doonaan dhinacyo badan, ayna caawin doonaan dadka ku teetsan webiga Jubba oo laga cabsi qabo inuu fatahaad xoogan Sameeyo.

By: Abdirashid

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com