Madaxweynaha Jubbaland oo dagaal culus sheegay inuu ku qaadayo Alshabaab

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku sugan Dhoobley ayaa maanta booqaday Xero ay Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaankaas, isagoo ku wargeliyay inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa bishan gudaheed saddex jeer ku dhawaaqay dagaal lagu qaadayo Al-Shabaab oo uu maamulkiisa dib u qabsanayo dhulka ka maqan ee Gobolka Jubadda Dhexe.

Waxaa uu sheegay in dhowaan ay la bilaabi doono howlgalka xoreynta deegaanada maqan, isagoo ka dhawaajiyay inay gacanta soo geli doonaan degmooyinka Xagar iyo Badhaadhe iyo Gobolka Jubadda Dhexe.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ciidamadii qaban lahaa deegaanadaas ay ku diyaarsan yihiin meelihii loogu tala galay.

Mar uu ka hadlayay dagaalkii Baar Sanguuni ayuu ku faanay in dharbaaxo adag ku dhifteen Al-Shabaab, isla markaana dhimashadii ugu badnaa ay ka soo gaartay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, isagoo kormeer ku maraya deegaanada Gobolka Jubadda Hoose ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Jubbaland.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com