Madaxweynaha Jubbaland oo Booqday Mashruuca Waraabka Beeraha

Madaxweynaha Jubbaland oo Booqday Mashruuca Waraabka Beeraha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Mashruuca waraabka Beeraha Gobolka Gedo ee fadal kaas oo heer gabo gabo ah maraya.

Madaxweynaha oo xubno katirsan Xukuumada ay wehelinayaan waxaa uu lug kusoo maray dhamaan qaybaha Mashruuca oo biyaha wabiga Jubba lagu gaarsiinayo dhulka fog ee baadiyaha ah oo loogu tala galay in lagu waraabiyo dhul Beereedyada halkaas ku yaala.

Mashruucan oo ay Xukuumadu doonayso in la gaarsiiyo dhamaan gobolada si looga faa’iidaysto biyaha wabiga looguna waraabiyo beeraha ka fog jiinka wabiga ayuu Madaxweynahu bogaadiyay isagoo amaanay sida dar darta leh ee hawshu ay usocoto.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Jubbaland oo ah meelaha ugu wanaagsan dhinaca Beerashada ay Dowladu ku dadaalayso sidii Beeraleeyda loogu gacansiin lahaa wax soo saarka dalka isla markana ay uga faa’iidaysan lahayeen suuqyada gudaha iyo dibada oo waxyabaha ay Beeraan ay u suuq geeyaan.

Daawo Sawiradda

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com