Madaxweynaha Jubbaland oo booqday goobo la dajiyeey shacab kenya laga soo celiyey

Madaxweynaha Jubbaland oo booqday goobo la dajiyeey shacab kenya laga soo celiyey

Madaxweynaha Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Xaafada Cusub ee Midnimo oo ay dagan yihiin dadka kasoo laabtay xeryaha Qoxootiga Kenya iyo kuwa wadanka gudahiisa ku barakacay.

Mashaariic kala duwan oo halkan laga fuliyay ayuu Madaxweynahu booqday oo ay kamid yihiin Isbitaal iskuul iyo Xarun boolis nalalka cadceeda ku shaqeeya iyo ceelal biyoodyo.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay howlwadeena goobaha qaar oo dhismahooda ay wax ka dhiman yihiin in la dardar galiyo iyo in goobaha waxbarashada iyo adeegyada kalaba la dardar galiyo.

Madaxweynaha ayaa qaybaha bulshada qaar kamid ah la kulmay inta uu booqashada ku jiray isagoo ka waraystay xaaladaha nolosha iyo waxa ay dareemayaan waxaana kormeerka ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com