Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Aaga degmada jamaame

Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Aaga degmada jamaame

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Ciidamada Darawiishata Jubbaland ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka kula jira Al-Shabaab gaar ahaan aaga Degmada jamaame.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tagay si uu u dhiiri galiyo Ciidamada kaabiga ku haya Degmada Jamaame iyo deegaanada kale ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa Madaxweynahu uu halkaas kula kulmay Sarakiisha hogaaminaysa howlgaladan iyo masuuliyiin kale isagoo ku booriyay inay sii laba jibaaran howlgalka socda si Al-Shabaab looga dulqaado dhibaatada ay dadka shacabka ah ku hayaan isagoo sidoo kale Sarakiisha ka dhagaystay sida ay howlgaladu u socdaan iyo guulaha ilaa hada ay Ciidamadu gaareen.

Ciidamada kala duwan ee howlgalkan iska kaashanaya oo kala ah Ciidamada darawiishta Jubbaland Ciidamada Xooga Dalka iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in ay cashar u dhigeen Al-Shabaab maalmaha soo socdan ay gaari doonan guulo cusub.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com