Madaxweynaha Jubbaland iyo wasiirka Arimaha Dibadda Itoobiya oo Addis Ababa kuwada Kulmay

Khamiis, Juun 25, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha dolwada Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo martiqaad rasmi ah kujooga magaalada addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta kulankiisii 1aad laqaatey wasiirka arimaha dibadda ee dalka Itoobiya Dr.Tedross

Madaxweynaha dowlada Jubbaland ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey dowlada federaalka ah ee Itoobiya gaar ahaan wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Dr.Tedross ahna gudoonka wasiirada IGAD kaalintii uu kaqaatey heshiiskii Addis ababa ee u dhexeeyey dowlada federaalka ee soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland ayada oo ay dowlada Itoobiya damaanad ka ahayd dhaqan gelinta heshiiskaas kaasoo maanta maraya qodobkii ugu danbeeyey oo ah iskudhafka ciidamada.

Sidookale wasiirka ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha iyo maamulkiisa sidii wanaagsadney ee ay udhameystireen qodobadii heshiiskii Addis ababa .

Kulankan ayaa sidookale waxaa looga wada Hadley arrimaha Siyaasada , Amniga iyo iskaashiga Dowlada goboleedka Jubbaland iyo Dolwada federaalka ah ee Itoobiya , ayada oo dhamaan la isku afgartey qodobadii laga wada hadley.

Heshiiskii Addis ababa oo ay kadhimantahay muddo bil ah labadii sano ee lagu heshiiyey in dowlad goboleedka Jubbaland kumeel gaar ahaado iyo qodobo kale ayaa waxaa lawada sugayaa wajiga cusub ee siyaasadeed ee dowlad goboleedka Jubbaland ee soomaaliya ayadoo mudadaas horumar dhankasta ah ay sameysey dowlada jubbaland oo uu madaxweynaha jubbaland hormuud kayahay.

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com