Madaxweynaha Hirshabeelle oo dhagax dhigay Xarun lagu tababari doono Ciidammada

Madaxweynaha Hirshabeelle oo dhagax dhigay Xarun lagu tababari doono Ciidammada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Kulan Magaalada Jowhar ee xarunta Dowladda Hirshabelle kulan kula qaatay Wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub, kuwaasi oo soo gaaray Magaalada, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta Iyo Taageerada ay ugu baahantahay Midowga Yurub.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlinyay Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Hirshabelle, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, iyo saraakiisha Ciidanka Boliiska, Waxaana Madaxweynaha uu warbixin ka siiyay Wafdiga dadaalada ay ku doonayaan Xaqiijinta ammaanka iyo bilowga Dhismaha Ciidanka BOolois Hirshabelle oo dhismihiisa ay ka qeyb qaadanayaan Midowga Yurub, waxaana uu carabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay in ay iska kaashadaan dardargalinta dhismaha iyo horumarinta ciidanka si ay u xaqiijiyaan ammaanka deegaannada Hirshabelle, sidoo kale waxa uu kaga mahadceliyay Midowga Taageeradooda Soomaaliya.

Madaxa Wafdiga Midowga Yurub ee Soo Gaaray Magaalada Jowhar Patrick ayaa Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle kaga mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay, waxaana uu ku ammaanay dadaalka uu ugu jira dhismaha iyo horumarinta Hirshabelle, waxaana ka midowga Yurub ahaan uu balanqaaday in ay ka saacidayaan dhinacyada Ammaanka Dhisida Ciidanka Boliiska Hirshabelle, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, Caafimaadka waxbarashada, iyo arrimo kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com