Madaxweynaha Hirshabeele oo la kulmay Wafdiga ka socda dowladda Qatar

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta qaabilay ergayga gaarka ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta Mudane Dr Multaq Al-qahtani.

Kulankaan intii uu socday waxa ay ka wada hadleen xaaladaha Dalka, arrimaha Doorashooyinka oo muhiimada ay tahay in doorashooyin wada ogol ah ay dhacaan Iyo in Hirshabeelle ka caawin doonaan ka faa’ideysiga mashaariicyo bulshada wax tar u leh.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa la filayaa inay la kulmaan Wafdiga dowladda Qatar.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com