Madaxweynaha Hiirshabele oo ka hadlay Qarax lagu dilay masuuliyiin maamulkiisa ka tirsan

Madaxweynaha Hiirshabele oo ka hadlay Qarax lagu dilay masuuliyiin maamulkiisa ka tirsan

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabele Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay weerar miino ah oo lagu diley Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan, iyo Ciidamadii la socday, kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday inta u dhexeysa Wadada Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Sh dhexe.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii, Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed Gaar ahaan Reer Hirshabelle ay ka geeriyoodeen Mas’uuliyiintaasi iyo Ciidamada geesiyaasha ee iyagana shahiiday” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

“Labada Mas’uul, Samafalaha, iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Hirshabelle u horumari laheyd” sidaasi Waxaa Yiri Madaxweyne Waare.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com