Madaxweynaha Hiirshabeele oo Xilka ka qaaday Taliyihii Nabadsugida

Madaxweynaha Hiirshabeele oo Xilka ka qaaday Taliyihii Nabadsugida

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Wareegto uu soo saarey waxa uu xilalkii uga qaaday taliyaha Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Gobolka Hiiraan iyo ku xigeenkiisa.

Wareegtada oo ku taariikheysan 1/9/2018 ayaa lagu sheegay in xilalkii looga qaaday Taliyihii Ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan Cabdi Maxamed Cali Aweys iyo ku xigeenkiisa Cabduqaadir Maxamuud Owbakar.

Sidoo kale waxaa Wareegtada Taliyaha Cusub ee Nabadsugida Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle loogu Magacaabey Colaad Cabdulaahi Cismaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com