Madaxweynaha Hiirshabeele oo la kulmay saraakil ka tirsan IGAD

Madaxweynaha Hiirshabeele oo la kulmay saraakil ka tirsan IGAD

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay la taliyaha Dhinaca Siyaasada Wakiilka IGAD Ee Soomaaliya, Badda Cas iyo Badweynta Hindiya Cabdikariim Maxamed Daahiye oo soo gaaray xarunta Maamul Goboleedka Hirshabelle ee Jowhar.

Madaxweynaha iyo la taliyaha ayaa iskula soo qaaday kulankooda siyaasadda guud ee dalka iyo xoojinta xasiloonida Siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana Mr Daahiye uu ka hadlay doorka IGAD ee Soomaaliya.

La Taliyaha Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Cabdikariim Maxamed Daahiye ayaa sheegay in IGAD mar walbo ay diyaar u tahay in Hirshabelle ay kala shaqeeyso Horumarinta, iyo dhisida hey’adaha Dowladda, iyo sidoo kale arrimaha bini’aadanimada sidii looga gacan siin lahaa.

Madaxweyne Waare ayaa ka hadlay xaalada abaaraha ka jira deegaannada Hirshabelle iyo sidii loo caawin lahaa dadka saameynta ay ku yeelato abaarta iyo biyo la’aanta ka jirta, waxaana dhinaca kale uu dul istaagay muhiimada ay u leedahay Hirshabelle in lagala shaqeeyo arrimaha amniga islamarkaana la xoojiyo doorka Ciidamada Amisom ee xaqiijinta amniga iyo la dagaalanka argagaxisada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com