Madaxweynaha Hiirshabeele oo ka hadlay dagaal beleed ka dhacay Hiiran

HomeWararka

Madaxweynaha Hiirshabeele oo ka hadlay dagaal beleed ka dhacay Hiiran

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle,Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ku soo noqnoqday Deegaanno hoos yimaada degmooyinka Maxaas,

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo ka qayb-galay shir looga hadlay ka hortaga nafaqo-darrada ka jirta Puntland (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed
Wasiir Xoosh “Waxaa naga go’an in Dastuurka lagu dhameeystiro si daahfuran”.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle,Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ku soo noqnoqday Deegaanno hoos yimaada degmooyinka Maxaas, iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan inay yihiin kuwo fidno ah oo aanan la aqbali karin, isagoo ugu baaqay waxgaradka beelaha in ay joojiyaan colaadahaasi, waxaana sidoo kale uu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay colaadaasi kuwa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad qab.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelleayaa tilmaamay in Hirshabelle ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaas lagu joojiyo, iyadoo madaxweynuhu uu ku tilmaamay dagaal beeleedyada soo noq noqday kuwa taageero siinaya argagaxisada Al Shabaab oo dadkeena u diidan nabadda.

“Colaado ay qaabkoodu leeyihiin muuqaal qabiileed balse aysan siyaasadi ka marnayn ayaa ku soo laalaabtay Hirshabelle, waxaana ku baaqayaa inay odayaasha, Culumo’udiinka iyo siyaasiyiinta Hirshabelle kasoo jeeda inay u istaagaan joojinta colaadahaas,” ayuu yiri madaxweyne Waare.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo, maadaama wax kaa maqan aan lagu helin xabbad, dhinac walbana loo keeno dhinaca kale lana yiraahdo waxaas ayuu walaalkaa kaa tabanayaa ee ka raalli-geli.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: