Madaxweynaha Hiirshabeele oo ka Hadlay Arimaha Khaliijka iyo Maamul Gobaleedyada

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabelle ayaa markii uhoreysay ka hadlay xiisada udhexeyso dalalka Khaliijka iyo go’aanka ay qaadatay Dowladda Dhexe ee ku aadan Xiisada.

War Saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Somaliya 6-dii Bishii June ayaa lagu sheegay in dhexdhexaad laga yahay xiisada udhexeysa Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Baxreyn oo isku dhan ah iyo Dowladda yar balse Qaniga ah ee Qatar.

Madaxweynaha Hirshabelle oo ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Siyaasada arimaha dibeda ay uga danbeeyaan Dowladda Dhexe oo arimahaasi uxlsaaran.

Waxa uu dhinaca kale sheegay in looga baahanyahay Madaxda Federalka in Dowlad goboleedyada laga tala galiyo go’aandan oo kale marka la qadaanayo si aysan Madaxda Maamul Goboleedyada iyagana uqaadan go’aan ugooni ah.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com