Madaxweynaha Hiirshabeele oo gaaray Baladweyne

HomeWararka

Madaxweynaha Hiirshabeele oo gaaray Baladweyne

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta gaaray Magaalada Beledweyne iyadoo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradah

Liibaan Axmad: Miyay Soomaaliya Leedahay Bulsho Rayid ah?
Kisaas cusub oo Covid-19 ah oo laga helay Cadaado
Sheekh Mukhtaar Roobow oo dhiig u shubay Shacabkii ku dhawacmay Qarixii Muqdisho (dhegayso)

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta gaaray Magaalada Beledweyne iyadoo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaaladaas.

Soo dhoweyn kaddib madaxweynaha ayaa mar kale ka hadlay muhiimada dhisida Golaha Deegaanka Beledweyne oo faaidooyin badan u leh bulshada iyo magaaladuba waxaana uu sheegay in duqowda dhaqanka uu la kulmayo si loo sii ambaqaado barnaamijka dib u heshiisiinta iyo in laga wada shaqeeyo xoojinta dowladnimada.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa soo dhoweeyay dadaalada dib u heshiisiineed ee ka socda Galmudud iyo dhisida Galmudug loo dhanyahay, waxaana uu muujiyay sida muhiimka ay ugu tahay Hirshabelle iyo Soomaaliya Galmudug oo hagaagta waxaana uu raja ka muujiyay Madaxweynuhu dadaaladaasi oo mira dhala.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Beledweyne dhagaxidhigi doona dhowr mashruuc oo muhiim u ah bulshada ku nool deegaannada Maamulka Hirshabelle.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: