Madaxweynaha Galmudug oo ugu baaqay Ciidamadda Galmudug inay Amaanka Sugaan (dhegayso)

Madaxweynaha Galmudug oo ugu baaqay Ciidamadda Galmudug inay Amaanka Sugaan (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in Ciidamada Galmudug laga doonayo in ay gutaan waajibaadkii loo dhisay ee sugida Amniga deegaannada Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Galmudug oo mid ah ay guulo waaweyn ay ka hoyn doonaan,isla markaana Madaxda Galmudug ay garab taagnaan doonaan Ciidamada.

“Runtii waxaa filayaa in ay ciidamadeenu kas oo baxaan waajibkii loo igmaday,waxana laga doonayaa in ay naga difaacaan cadawga gudaha iyo kana dibada waana xaqiiq in iyaga oo mid ah ay amniga sugi doonaan madaxduna ay ku dadaali doonaan wax u qabashdooda ayuu yiri Madaxweyne Xaaf”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com