Madaxweynaha Galmudug oo saxiixay Miisaaniyada Galmudug 2021

Madaxweynaha Galmudug oo saxiixay Miisaaniyada Galmudug 2021

Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa Saxiixay Miisaaniyadda Dowlad Goboleedka Galmudug ee sanadkan 2021 oo dhan $17,197,000 (Toban iyo todobo Milyan, Boqol shagaashan & Todobo kun oo Doollar.

Miisaaniyadda waxaa Khamiistii 24-ka June 2021 cod gacan taag ah ku ansixiyay Baarlamaanka kadib markii Todobaadkii hore Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Galmudug ay u codeeyeen Miisaaniyaddaas si loogu qabto howlo kala duwan.

Wasiirka Maaliyadda Dowlad Goboleedka Galmudug Farxaan Cali Maxamuud ayaa sheegay in dakhliga gudaha uu noqonayo 41%, halka 59% ay ka imaaneyso Kaalmada Caalamiga iyo deeqaha loosoo mariyo Dowladda Federaalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com