Madaxweynaha Galmudug oo la kulmey Guddiga qaban qaabada Caleema-saarka

HomeWararka

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmey Guddiga qaban qaabada Caleema-saarka

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa kulan is xog wareysi ah la qaatay xub

Shan qof oo Coronavirus looga Shakiyay oo lagu karantiilay Garoowe (dhegayso)
Laba gabdhood oo gudniinka fircooniga dartiis u geeriyooday Garoowe (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Ficil Burkud, Daljir Badhan(dhegayso)

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa kulan is xog wareysi ah la qaatay xubno ka mida ah Guddiga Qaban qaabada Caleema-saarka Madaxda Galmudug.

labada dhinac ayaa waxaa ay kulankooda uga wada hadleen sidii loogu diyaar garoobi lahaa munaasabadda caleema-saarka oo ku beegneyd 26-ka Bishaan balse sababo la xiriira Cudurka Coronavirus dib loogu dhigey.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariya ayaa kula dardaraarmey xubnaha guddiga inay ka Shaqeeyaan habka ugu wanaagsan oo ku dhici karto Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxda sare ee Galmudug.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: