Madaxweynaha Galmudug oo kulamo wadatashi ah ka wadda gobalka Mudug (Sawiro)

Madaxweynaha Galmudug oo kulamo wadatashi ah ka wadda gobalka Mudug (Sawiro)

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha wasiirada Galmudug iyo xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Soomaaliye, ayaa kulamo wadatashi ah la qaatey Bulshada ku dhaqan degamada Afbarwaaqo ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa intuu joogey degmada afbarwaaqo ayuu dhagax dhigay Xarumaha adeegyada bulshada degmada Af-barwaaqo ee Gobolka Mudug.

Dhagaxdhigan dhismayaashaan ayaa fulintooda iska kaashan doona Dowladda Galmudug iyo Jaaliyadaha Galmudug.

Xarumahaan uu dhagax dhigay Madaxweynaha Galmudug ayaa kala ah Isbitaalka Degmada, Dugsi Sare iyo Ballaarinta Xarunta Saldhigga Degmada Af-barwaaqo.


Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com